|
الصومال الأرض والناس-للكاتب سعيد محمد شيداد |
|
01-08-2009 |
صدر حديثا كتاب جديد حول تاريخ الصومال تحت عنوان"الصومال الأرض والناس" ، ويحاول المؤلف تتبع الجدورالتاريخية للصومال منذ القرن السادس عشر، والكتاب يعتبرمحاولة جادة لجمع التاريخ الصومالي ما قبل الميلاد وحتى القرن السادس عشر ليكشف العديد من الجوانب المظلمة لهذا التاريخ الذي عانى الكثير من الاهمال من أبناءه، ويصحح الكتاب بعض المعلومات التاريخية التي تم تشويهها إضافة إلى ذكر أسماء القبائل الصومالية التي سكنت هذه الأرض  Buugani wuxuu si qoto dheer u lafagurayaa sooyaalka dadka iyo soohdinta dulka Soomaalida oo aad uga duwan inta aynu maanta naqaan, Soomaalidii hore ee taariikh ka hor (inta aan la qorin taariikhda miilaadka) iyo tii dhexe, dhamaan qabaa'ilka Soomaaliyeed ee ku sugnaa gudaha xuduudda dhulka Soomaalida, qabaa'ilka la yaqaanno iyo kuwa kale ee ku lulmay dhulka la lumiyay muddada dheer ka hor. Wuxuu dib u saxayaa marin habaabin lagu sameeyey sooyaalka Soomaalida dad iyo dal gaar ololihii Axmaara iyo siday ugu soo fidday gudaha Soomaaliya iyo halgankii Soomaalidu la gashay Xabasha isagoo arrimaha oo dhan u cuskanaya baaritaan qoto dheer iyo raadraac la taaban karo oo cuskan xogbaaris ka dhalatay baaritaano hore iyo kuwo casri ah, qoraalladii dalmareenadii iyo ganacsatadii adduunka ee waqti hore tegey Somaliya. Buuggu wuxuu soo bandhigayaa doodo culus iyo ka jawaabista su’aalo badan oo la xiriira in jirtay cid kale oo dhulkan uga horraysay dadka deggan ee Soomaali loo yaqaano, Xiriirka Soomaalida iyo adduunnka xagga siyaasadda, dhaqanka, afka, ganacsiga maamulka iwm. Soo gelistii Diinta islaamka ee Soomaaliya, kaalintii Soomaalida ee fidinta islaamka iyo culimada waawayn ee Soomaalida ee galay diwaanka culimada adduunka muslimka. Qaabkii isxukun, siyaaso iyo dhaqaale ee Koofurta fog tan dhexe iyo waqooyi bari iyo waqooyi iyo galbeed ayuu faahfaahiyay. Caabbintii Soomaalida ee fiditaankii Xabasha iyo Oromo intii ka horraysay Imaam Axmed Ibraahim iyo soo bixitaankii Imaamka ka dib, iyo dhibaatooyinkii Bortaqiisku u gaystay Soomaalida. Buuggan oo hadda daabacan lakin dhowaan la soo bandhigi doono waxaa loo aqoonsaday inuu yahay kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee laga qoray dadka iyo dalka Soomaaliyia, waxana la filayaa inuu dhowaan soo galo suuqyada dalka iyo dibadda, wixii faahfaahin ah kala xiriir: Axmed Max'ed Cali(Kismayo), email:
هذا البريد محمى من المتطفلين , تحتاج إلى تشغيل الجافا سكريبت لمشاهدته
, ama telefon; 2525746012.
|